Deeqaha People For Parks Fund

Minneapolis Parks Foundation > Deeqaha People For Parks Fund

Su’aalaha inta badan la weydiyo (Soomaali)

Waa maxay People for Parks Fund?

Waxaa la sameyey 2020 si loo xoojiyo Parks Foundation ka Minneapolis iyo People for Parks kii hore, People for Parks Fund waxay horumarinaysaa taageerada sumcadda aasaasiga ah ee 42 jirka ah ee Jardiinada Minneapolis waxayna ku horumarinaysaa deeq bixin, lacag uruurin iyo xaraashka alaabta kursiyada iyo miisaska. Dhaqaalaha wuxuu u shaqeeyaa xoojin ahaan isku xirka fikradaha ay bulshadu wadato iyo maal gelinta maamulka kobcinta, bulshada, iyo baashaalka Jardiinadeena.

Waa maxay barnaamijka deeqda ee the People for Parks Fund?

Sanad kasta, the People for Parks Fund wuxuu bixiyaa deeqo si loo horumariyo mashaaricda aan heysan gacan buuxda iyo barnaamijyada Jardiinada Minneapolis. Dhaqaalahan waxaa la siinayaa ururada 501(c)3, 501(c)4, hay’adaha dawliga ah, ururada bulshada iyo kuwo kale oo leh wakiilo maaliyadeed. Dhamaan mashaaricda/barnaamijyada waa inay ogolaansho ka haystaan Minneapolis Park & Recreation Board.

Waa noocee barnaamijyada ama mashaaricda la siin karo deeqaha?

Deeq bixinta waxaa loo isticmaali karaa waxyaabahan soo socda:

  • Mashaaricda raasalmaalka ama iibsashada badeeco ama qalab
  • Barnaamijyo dhaqan galay oo socda kuwaa oo horumariya sinnaanta iyo cadaalada Jardiinadeena
  • Barnaamijyo cusub oo baahi ku abuuray bulshada ay u adeegaan
  • Dhacydooyin hal mar ah oo saameyn weyn ku leh bulshada ay quseeyaan (tusaale., adeegyada turjumidda, kulamo/isku imaad mowduuc gaar ah kaa oo bulshada wax tara ama dhiirageliya)

Yaa ku habboon deeqda?

Dhaqaalahan deeqda waxaa la siinayaa ururada 501(c)3, 501(c)4, hay’adaha dawladda, ururada bulshada iyo kuwo kale oo leh wakiilo maaliyadeed. Waxaa keliya deeq bixinta loo tixgelin doonaa mashaaricda iyo barnaamijyada laga helo gudaha xuduudaha magaaalada Minneapolis.

Goormee ayey codsiyada deeqda furanyihiin?

Codsiyada deeqda waxay furan yihiin 15ka Maarso sanad kasta.

Goormee la soo saaraa go’aannada codsiyada deeqda?

Sida caadiga ah, kuwa deeqda la siiyo waxaa la soo wargeliyaa Juun hadii loo ogolaado deeqda.

Hadii aan helno deeqda, goormee ayaan heleynaa lacagta?

Ururada ama hay’adaha loo ogolaaday deeqda waxay lacagta heli doonaan sida ugu dhaqsiga badan marka lagu soo wargeliyo inay maal gelinta mashaaricdooda ama barnaamijyadooda.

Waa maxay mudada deeqda?

Si guud ahaan mudada deeqda waa wareegto hal sano ah taa oo ka bilaabaneysa taariikhda qarashka la bixiyey.

Yaa gaara go’aanka lagu bixiyo deeqda ee People for Parks Fund?

Guddiga La-talinta ee The People for Parks Fund ayaa qiimeeya dhamaan codsiyada deeqda. Guddiga ayaa dib u eegis ku sameeya talooyinna ka soo saara mashaaricda iyo barnaamijyada ay the Fund gacan siin doonto. Markaas kadib Guddiga Fulinta ee The Minneapolis Parks Foundation ayaa dib u eegaya  talooyinka Guddiga La-talinta wuxuuna u codeeyaa ogolaansho ama diidmo.

Waa maxay shuruudaha warbixinta deeqda?

Warbixin kama dambeys ah ayaa waajib ah 30 maalin kadib marka ay dhamaato mudada deeqda. Warbixintan waxaa kujiri kara sawiro, sheekooyin bulshada, iyo warbixinno qoraal ah. Sawiro “horumar ah” ayaa sidookale la dhiirageliyaa oona lagu maqsuudaa mudada deeqda oo idil. Guddiga La-talinta waxaa laga yaabaa inuu weydiiyo kuwa deeqda la siinayo kulan ama wicitaan dhanka talefoonada ah oo ku saabsan ogaanshada waxqabadka inta lagu guda jiro mudada deeqda.

Waa maxay mudnaanta deeq bixinta ee the People for Parks Fund?

Marka ay Guddiga La-talinta qiimeynayaan codsiyada deeqda, wuxuu sidookale xoogga saarayaa Hagista Mowduucyada the Minneapolis Parks Foundation:

  • Badqabka iyo caafimaadka bulshada: Jardiinada waxay bixiyaan hawo caafimaad, biyo nadiif, carro iyo goobo lagu ciyaaro oo lagu jimicsado oo isugu jira heer bulsho iyo mid shaqsi. Jardiinada waxay sidookale leeyihinn goobo aan isku barano deriskeena oo aan ku sameysano xiriiro cusub oo qoto dheer.
  • Sinnaan iyo dhaqan wadaag: Marka ay dhamaan dadka heli karaan Jardiino wanaagsan iyo goobo bulsho, oo ay dareemaan in la soo dhowaynayo ayna isu arkaan inay ka muuqan karaan goobaha bulshada, bulshadu waxay noqotaa mid caafimaad qabta, badqabta, oo faraxsan.
  • Xoogsaarida dhaqaalaha: Jardiinada horumarsan iyo goobaha bulshada waxay soo jiidan karaan maal gashi waxayna barwaaqo u keenayaan bulshada guud.
  • Xiriirada dunida dabiiciga ah: Marka la eego Magaalooyinka dunideena oo kordhaya, dhowrista goobaha quruxda, kuwa nasashada iyo kuwa cajiibka ah waxay nagu caawisaa ilaalinta dadnimadeena.
  • U adkeysiga isbeddelada cimilada: Magaaalooyinka waa inay la qabsadaan ayna keenaan qaabab cusub oo lagu ilaaliyo oo lagu soo celiyo nidaamyada dabiiciga ah iyo biyaha nadiifka ah si loo yareeyo saameynta dhaqaale ee iabeddelada cimilada.

Sidee ayey Guddiga La-talinta u qiimeyaan codsiyada deeqaha?

Guddiga La-talinta waxay codsiyada deeqda ku qiimeyaan shuruudahan soo socda:

(1) Sinnaan & Cadaalada Midabka:

  • Sidee buu mashruucan u horumariyaa sinnaan/cadaalada midabka?
  • Mashruuca deriska ma leeyahay kala duwanaan dhanka dhaqanka, midabka iyo dhaqaalaha?
  • Xubno kala duwan oo bulshada ah fursad miyey u heli doonaan mashruucan?

(2) Ka Qeyb Qaadashada Deriska & Taageerada Bulshada:

  • Ma jiraan iibsadayaal deriska ah (is xilqaamayaal, qarash ku habboon, iwm.)?
  • Kooxda taageeraysa mashruuca ma u leedahay ballanqaad jardiinka deriskeeda?
  • Ma ka qeyb galinaysaa bulshada hareeraha?
  • Yaa ka faa’idaayo mashruuca ama barnaamijka?
  • Miyey horumaniysaa mid ama wax ka badan mowduucyada hagista Minneapolis Parks Foundation?
  • Ma ka war hayaan Minneapolis Park & Recreation Board mashruucan ama barnaamijkan?

(3) Tayada Mashruuca:

  • Miyey soo bandhigeysaa maamulka deegaanka?
  • Si wanaagsan miyey raaxo iyo baashaal ugu soo kordhinaysaa Jardiinada?
  • Miyuu jiraa qorsho suuragal ah iyo dhaqaale ku filan oo lagu xirgelin karo mashruuca?

(4) Saameynta mashruuca:

  • Waa maxay saameynta la garan karo oo waxtarka leh uu qeexay codsadaha? Ma yahay mashruuca mid “muuqda?”
  • Meeqa qof/isticmaalayaal suuragal ah inuu gaaro?

(5) Saameynta Maal-gelinta PFP:

  • Meeqaa boqolkiiba mashruucan ay bixinaysaa Maal-gelinta PFP?
  • Deeqda  PFP ma sameyn kartaa farqi la taaban karo dhanka hirgelinta guusha leh ee mashruucan?

Maxaa dhacay hadii naloo ogolaado deeqda laakiin mashruuceena ama barnaamijkeena uu isbeddelo markaan lacagta helno kadib?

Waa fahansannahay mararka qaar inay lagama maarmaan ay tahay in isbeddelo lagu sameeyo barnaamij ama mashruuc kadib marka deeqda la helo. Guddiga La-talinta iyo shaqaalaha Minneapolis Parks Foundation ayaa raadinaya inay dhisaan xiriiro lala yeesho deeq kuwa deeqaha la siinayo kuwaa oo dhiirageliya soo gudbin degdeg ah wixii isbeddelo muhiim ah oo lagu sameeyo qorshayaasha ayna diyaar u ahaadaan inay si degdeg ah uga soo jawaabaan wixii la weydiiyo waliba qaab dabacsan oo wanaagsan.

Hadii deeq helaha uusan awoodin inuu fuliyo sababta maal-gelinta deeqda, waa inuu raadiyaa mudo kordhin ama isbeddelo codsigiisa ah isagoona la xiriiraya give@mplsparksfoundation.org. Guddiga waxaa suuragal ah inay weydiyaan deeq helaha inuu soo gudbiyo codsi qoraal ah oo tafaf tiran ama uu la kulmo xubnaha Guddiga si uu ugala hadlo arimaha.

Guddiga wuxuu kordhin karaa mudada deeqda, wuxuu ansixin karaa codsiga dib loo hibiyey ee deeqda, ama wuxuuba codsan karaa in lacagta deeqda loo soo celiyo the People for Parks Fund.

Sideen u codsan karnaa deeqda People for Parks Fund?

Si aad u codsatid deeqda People for Parks Fund grant, booqo People for Parks Fund Codsiga Deeqda. Noocyo codsi waraaqado deeq ayaa sidookale la heli karaa, Fadlan kala xiriir give@mplsparksfoundation.org hadii aad jaceshahay qaab warqad ahaan ah.

Waxaan qabnaa su’aalo kale oo dheeri ah. Ma jiraa qof katirsan Minneapolis Parks Foundation oo aan la xiriiri karno?

Haa! Fadlan halkaan ku soo dir wixii su’aalo ah oo aad qabtid  give@mplsparksfoundation.org. Annaga ayaa sida ugu dhaqsiga badan kula soo xiriiri doonno.

YOUR DONATION helps ensure the parks in our city remain accessible, equitable and serving everyone.

Subscribe To Our Mailing List

Join our mailing list to receive the latest news and updates.

You have Successfully Subscribed!